1176 Views

wasaaradda gaashaan dhigga Ukraine oo haweenka ciidanka ay kabo dhaadheer u xirtaan dhoollatuska

wasaaradda gaashaan dhigga Ukraine oo haweenka ciidanka  ay kabo dhaadheer u xirtaan dhoollatuska
____________________________________________________________________________

Sabti: Julay 3, 2021

Waxaa caro laga muujiyay qorshe ay la timid wasaaradda gaashaan dhigga Ukraine oo ay ku dooneyso in haweenka ciidanka ah ay kabo dhaadheer u xirtaan dhoollatuska bisha soo socota la qaban doono.

Irina Gerashchenko, oo mucaarad ah kana tirsan baarlamaanka, ayaa sheegtay in arrintaasi ay tahay faquuq dhanka jinsiga ah ee aysan ahayn sinnaansho.

Ukraine ayaa isku dayeysay inay qabato dhoollatus milatari 24-ka August si loo xuso 30 guurada maalinta ay xornimada qaadatay, kaddib dhicitaankii Midowgii Soofiyeetka.

Wasaaradda gaashaan dhigga ayaa sheegtay in kabuhu ay ka mid yihiin shuruucda lebiska.

Dad badan oo ku sugan Ukraine ayaa aad ula yaabay qorshaha, iyadoo koox xildhibaanno ah ay ugu baaqeen wasiirka gaashaan dhigga inuu raalligelin ka bixiyo arrintaas.

Olena Kondratyuk, oo ah ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka dalkaas ayaa sheegtay in in ka badan 13,500 oo haween ah ay ka qeyb qaateen dagaalka Ukraine ay kula jirto goonni u goosatada gacanta ka helaya Ruushka.

In ka badan 31,000 oo ahween ah ayaa haatan ku jira ciidamada dalkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post