1173 Views

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerar ay qaadeen Kooxda Xuutiyiinta

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerar ay qaadeen Kooxda Xuutiyiinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 14 2021–Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar Kooxda xuutiyiinta ee ka dagaalanta Gudaha dalka Yemen ay ku qaadeen Garoon diyaaradeed oo ku yaal Koonfurta dalka Sacuudi carabiya.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta twitter-ka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa aad loogu cambaareeyay weerarkaas, waxana lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay falkaas, isla markaana uu yahay mid argagaxiso.

“  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa beegsiga maleeshiyada Xuutiyiinta ay ku bartilmaameedsadeen garoonka diyaaradaha Abha ee Sacuudi Carabiya, waxayna aaminsan tahay in weerarka argagixiso ee noocan oo kale ah uusan nabad ka dhalin doonin gobolka, laakiin uu carqalad ku yahay geeddi-socodka nabadda ee Yemen oo uu wiiqayo amniga iyo xasilloonida ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga oo dhankeeda shalay ka hadashay weerarkaas ayaa sheegtay inay fashilisay weerar loo adeegsaday gantaal lagu rakibay waxyaabaha qarxa, kaas oo kooxda Xuutiyiinta ay ku weerareen Garoonka diyaaradaha Abha ee Koonfurta Sacuudiga.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post