972 Views

Xaaladada Magaalada B/weyne oo Caawa Dagan iyo Qasaaraha ka dhashay Dagaalkii maanta

Xaaladada Magaalada B/weyne oo Caawa Dagan iyo Qasaaraha ka dhashay Dagaalkii maanta
____________________________________________________________________________

Talaado: March 8, 2022

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhintay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Hirshabeelle iyo askar taabacsan qaar kamid ah musharrixiinta kuraasta baarlamaanka ee taalla magaalada Beledweyne.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo kamid ah musharixiinta u taagan kuraasta baarlamaanka ee Beledweyne taalla ayaa sheegay in sababta iska hor-imaadka ay tahay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Dabageed oo doonaya in uu wax isdaba-marin ku sameeyo gudddiyada soo dooranaya ergada dooraneysa xildhibaanada.

Isaga oo la hadlayay Saxaafada ayuu sheegay in qasaarae ka dhashay Dagaalka.

 “Liis qabiiladu ay geeyeen, oo ah shanta qof ee qabiilka ku matal in ay ergada soo saaraan, shan-shantii lageeyay, ee qabiilku geeyay, ee madaxweyne Cali Guudlaawe fasaxay ayaa Dabageed wuxuu yiri hala soo celsho, si kuwa kale oo isagu uu yaqaano logu badalo…dadka dagaalamay Dabageed ayay ka cabanayaan”

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle wali kama uusan hadlin arintaa.

15 ka bishaan waxaa ku eg waqtigii ay Golaha Wadatashiga Qaran go’aamiyeen in lagu soo gabangabeeyo doorashada baarlamaanka Soomaaliya. Beledweyne waxay ka mid tahay meelaha aysan wali dhamaan doorashada kuraasta baarlamaanka ee taalla.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post