1275 Views

dilkii madaxwaynihii hore ee dalka Burkina Faso Thomas Sankara

dilkii madaxwaynihii hore ee dalka Burkina Faso Thomas Sankara
____________________________________________________________________________

Talaado: October 26, 2021

Dacwadda dilkii madaxwaynihii hore ee dalka Burkina Faso Thomas Sankara ayaa waxaa gundhig u ah eedeeynta loo jeedinayo madaxwaynihii isaga badalay Blaise Compaoré, oo ay xusid mudantahay in ay saaxiibo aad isugu dhow ahaayeen.

Maxkamadeynta kiiskani ayaa waxay Isniintii ka bilaabatay magaalada Ouagadougou (Wagadugu) ee caasimadda dalkaasi.

Qoraalkeena halkan kama hadlayo oo kali ah musiibadii uu ku soo afjarmay kacaankii kabtan Sankara ee waxaa aan diiradda ku saari doonaa xiriirka taariikheedkii u dhaxeeyay isaga iyo saaxibkii Blaise Compaoré.

Magacyadooda ayaa waligood ku baaqi ahaan doona taariikhda dalka Burkina Faso.

Walaalo aan kala maarmin oo gacmaha is haysta ayay ahaayeen sanaddii 1983-dii waxay si wada jir ah u soo afjareen xukunkii madaxwayne Jean-Baptiste .

Kadib, labadooduba waxay xukumeen waddankooda, balse daruufahooda ayaa kala duwanaa.

Haddii madaxweynanimada Thomas Sankara, oo beddelay Ouédraogo 1983-dii ay ku soo dhamaatay dilkiisii bishii 15 october , 1987-dii , waxa taa badlkeeda uu Blaise Compaoré xukunka looga tuuray kacdoon dadweyne 31 bishii october , 2014, ka dib 27 sano ah oo uu xukunka hayay.

Madaxweynihii hore ee Burkina Faso, oo hadda 70 jir ah, waxa uu musaafuris ahaan ugu nool yahay Côte d’Ivoire, oo ah waddan uu dhalashadiisa haystay tan iyo 2015kii.

Waqti dheer ayay nagu qaadanaysaa inaan fahano xiriirka saaxibtinnimo ee labadan nin ka dhaxeeyay.

Sidee ayay isku barteen?

Mariam Sankara, oo ah xaaskii uu ka dhintay Thomas Sankara, ayaa wareysi ay siisay Caroline Loyer oo ka tirsan BBC ku sheegtay in ninkeeda iyo madaxweynihii hore ee Compaoré ay isku barteen ciidamada oo ay ka wada tirsanayeen.

“Markii aan la kulmay ninkeyga, mar hore ayay is garanayeen, Waxay ku kulmeen ciidamada, Aad bay isugu dhawaayeen, Wuxuu ahaa saaxiibkiisa ugu wanaagsan,Waxa uu ahaa qofka iman kara wakhti kasta gurigiisa “, ayay tiri.

Weriye lagu magacaabo Sennen Andriamirado, ayaa buug ay u bixiyay Sankara le relele ka(1987), ka qoray taariikh nololeedkii hoggaamiyihii kacaanka Burkina Faso Thomas Sankara.

Wariyihan ayaa Sankara la kulmay intii uu xukunka hayay ka hor inta an la dilin.

“Kulankii ugu horeeyay ee dhexmaray Thomas Sankara iyo Blaise Compaoré wuxuu ka dhacay Morocco, inta lagu guda jiro tababar ay ku qaadanayeen magaalada Rabat, January ilaa May sanaddii 1978,” ayuu buugiisa ku qoray wariyahan.

“Laga bilaabo taariikhdii ay soo bilaabatay saaxiibtinimadayada, Waligeen kalama tegin, waxaana caado noo noqotay inaan maalin kasta wax wada cunno ,” ayuu qoray saxafiga oo soo xiganaya Blaise Compao.

Saxafiga Madagascan, oo dhintay 1997, wuxuu sheegay in Thomas iyo Blaise aysan kala tagin ka dib kulankoodii ugu horreeyay ee ka dhacay dalka Morocco.

Sankara wuxuu ahaa taliyihii ciidamada ilaa 1976, Compaoré wuxuu noqday ku xigeenkiisa,” sida ku qoran buugga uu qoray Madagascan .

Serge Théophile Balima, oo ahaa la taliyihii hore ee dhanka warbaahinta ee Kabtan Thomas Sankara, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in labadoodu ay aad isugu dhawaayeen ka hor iyo labadii sano ee ugu horeysay ee kacaankooda.

“labada nin waxay ahaayeen walaalo, aad ayay isugu dhawaayeen oo waxaad mooddaa xitaa in hal waalid wada dhalay ,” ayu yiri Mr Balima.

BBC-da ayaa isku dayday in ay soo aruuriso macluumaad dheeraad ah, waxaanan la hadalnay xubnaha kale ee qoyska Sankara , balse marka la eego in ay soo dhawaatay maxkamadeynta ayaan ku ekaanay waxyaabihii horey looga qoray, sababo la xiriira qodobo sharci oo naga hor istaagaya in aan xogo cusub daabacno inta ay maxkamadda socoto.

“Amarka aan haysano ayaa ah in aan xilligan la hadlin warbaahinta ,” waxaa sidaasi BBC u sheegtay gabadh la dhalatay Sankara.

Filimka ay sameysay weriyaha reer Senegal ee Barka Ba oo lagu xusayo sannad-guuradii 28-aad ee dhimashada Thomas Sankara, Odile Sankara, oo ah Thomas walaashii, ayaa ka sheekeyneysa xiriirkooda ayaa tiri: “Blaise wuxuu ahaa wiil ay waalidkey korsadeen”.

“aabahay Joseph iyo hooyadey Marguerite waxaa ay Blaise u arkayeen inuu yahay wiilkooda “, ayay tiri Odile Sankara, oo ah gabadh la dhalatay Kabtan Sankara.

Wariyaha lagu magacaabo Malagasy, oo ah tifaftirihii hore ee wargeyska Jeune Afrique, wuxuu sidoo kale xaqiijinayaa in Blaise Compaoré “marka laga soo tago in uu ahaa saaxiibka dhow ee Thomas, runtiina uu ahaa wiil ay soo korsadeen qoyska Sankara”.

“October kasta 15-keeda marka ay saxaafaddu wax ka qoraan, Papa wuxuu dhihi jiray ‘Waxaan dhalay laba wiil, mid ma joogo waa (Sankara) kan kalena wuu joogaa oo waa (Blaise), waxaan rabaa inuu albaabkaas ka soo galo oo uu ii sheego waxa dhacay “, ayuu tiri Odile Sankara, .

Dhankeeda, Mariam Sankara waxay BBC u sheegtay in Blaise Compaoré uusan waligii tacsi ugu iman islamarkaana uusan xitaa muujin wax qoomamo ah oo la xiriirta dilkii Sankara.

Blaise Compaoré ayaa mar si toos ah uga hadlay faahfaahinada ku xeeran dhimashadii Thomas Sankara waraysi uu siiyay wargeyska Jeune Afrique 4 bishii November ,1987, wax ka yar bil ka dib dhacdadaasi.

Wuxuu beeniyay in uu wax lug ah ku lahaa dilka saaxibkii Sankara.

14 qof oo uu ka mid yahay Compaoré ayaa haatan saaran maxkamad ku taala magaalada Ouagadougou, waxaana lagu eedeyay in ay ku lug lahaayeen dilkii Sankara 24 sano ka hor.

Sankara, maxaa loogu tilmaamaa halyeey?

“Sankara waxaan u aragnaa qof dalkiisa jecel, dadkiisa wuu jeclaa, dalkiisa wuu jeclaa, Afrika ayuu jeclaa, naftiisa ayuu u huray dalka”, ayuu yiri Luc Dumba, xoghayaha guud ee guddiga qaabilsan xuska Sankara.

Markii uu awoodda hayay wuxuu dalka ka baddalay magaca Upper Volta, wuxuu u baddalay Burkina Faso oo micnaheedu yahay, “Dhulka ay ku nool yahay dadka quman”.

Sankara wuxuu xakameeyay noloshiisa, wuxuu yareeyay mushaarkiisa iyo midkii shaqaalaha dowladda.

Wuxuu mamnuucay in la isticmaalo baabuurta dowladda iyo diyaaradaha qeybta raaxada ah raacaan.

Wuxuu kaalin weyn ka qaatay horumarinta waxbarashada Burkina Faso, sidoo kale wuxuu garwadeen ka ahaa olole ballaaran oo tallaalka ah.

Wuxuu dhul siiyay beeraleydii saboolka ahaa kuwaas oo markii dambe ka soo saaray dalagga burka.

Sankara wuxuu ku baaqay in Afrika ay midowdo si loo hor joogsado waxa uu ku tilmaamay ‘guumeysiga dadban’, taasoo uu ku waday hay’adaha sida IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wuxuu mar oran jiray, “Qofka ku quudiya waa qofka ku maamula”.

Wuxuu bilaabay siyaasado ka dhan ahaa galaangalka dalalka shisheeye taas oo caqabad ku noqotay awooddii Faransiiska ee gobolka, xaaskiisa Mariam waxay ku eedeysay Faransiiska in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay dilka Sankara.

“Weli waa madaxweyneheygii, wuxuu u sameeyay bulshada ayaa dhiirigelin u ah dhalinyarada” waxaa sidaas yiri ardey wax ka dhigtay Jaamacadda Thomas Sankara ee ku taalla Ouagadougou mar uu la hadlayay BBC-da.

Waxaa caasimadda Ouagadougou, sannadkii 2019 laga dhisay taallo lagu xusayo Thomas Sankara ka dib markii cabasho laga muujiyay mid horey looga taagay halkaas.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post