744 Views

Maamulka Burtinle ee Puntland oo soo dhaweeyay dadkii laga soo musaafuriyay Laascaanood shalay

Maamulka Burtinle ee Puntland oo soo dhaweeyay dadkii laga soo musaafuriyay Laascaanood shalay
____________________________________________________________________________

Axad: October 3, 2021

Wararka ka imaanaya Gobalka Nugaal  ayaa sheegaya in Maamulka Dagmada Burtinle ee Gobalka Nugaal ay  sheegeen  inay soo gaareen dagmadaasi 10 Gaari oo siday dadkii laga soo raafay magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool.

Maamulka degmada iyo qaybaha bulshada ayaa saxaafada u sheegay in ay u istaageen soo dhawaynta iyo caawinta dadka la soo musaafuriyay oo u badan Haween iyo carruur.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Maamulka Burtinle ee Puntland oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay gurmad beni’aadanimo u fidiyeen dadka Walaalahood ee soo gaaray Degmada.

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay falkii maanta muwaadiniin Soomaaliyeed looga soo musaafuriyay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post