765 Views

Guddoomiyaha Cumar Filish oo saacado kadib booqday qoysaskii uu saameeyay Roobkii saacadihii Lasoo dhaafay ka da’ay Muqdisho

Guddoomiyaha Cumar Filish  oo  saacado kadib booqday qoysaskii uu saameeyay Roobkii saacadihii Lasoo dhaafay ka da’ay Muqdisho
____________________________________________________________________________

May 8, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay booqday qoysaskii uu saameeyay Roobkii saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay Muqdisho.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu garab taagan yahay qoysaskii uu saameeyay roobka, isagoo dhanka kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg soo gaarsiiyaan dadkii ku waxyeeloobay musiibooyinkii ka dhashay Roobkii saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhankale kormeer ku tagay qaar kamid waddooyinka magaalada Muqdisho si uu ugu kuurgalo saameynta uu roobka u geestay bilicda magaalada iyo isku socodkeeda, waxaa uuna faray waaxda howlaha guud ee dowladda hoose Xamar in ay xoojiyaan howlaha kor loogu qaadayo bilicda, islamarkaana dib loogu furayo waddooyinka ay biya dhigeen Daadadka Roobka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post