963 Views

Taliyaha hay’adda nabad sugida Qaranka oo magacaabay madaxa shaqaalaha hay’adda NISA

Taliyaha hay’adda nabad sugida Qaranka oo magacaabay madaxa shaqaalaha  hay’adda NISA
____________________________________________________________________________

Arbaco: july 28 2021

Maalmo kadib martkii Xilka uu ka qaaday Raisal Wasaare Rooble Kulane ayaa waxaa la magacaabay booskiisa maalmo kadib.

Taliyaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa magacaabay madaxa shaqaalaha ee hay’adda NISA, kadib markii uu madaxii hore xil ka qaadis ku sameeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Fahad Yaasiin ayaa madaxda cusub ee shaqaalaha NISA u magacaabay Cabaas Yacquub oo bedalaya Cabdullaahi Kulane oo dhowaan xilkaasi uu ka qaaday ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale Cabaas ah ayaa ah sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka, wuxuuna ahaa madaxa maamulka, maaliyadda iyo tiknoolijiyadda ee NISA.

Cabaas ayaa sidoo kale ah ninka loo badinayo inuu noqon doono ku simaha agaasimaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, marka uu xilka banneeyo Fahad Yaasiin ‘oo la rumeysan yahay’ inuu doonan doono kursi xildhibaanimo afarta sano ee soo socoto.

Xilka qaadista lagu sameeyey mas’uulkaasi iyo taliyaha nabad sugida ee garoonka Aadan Cadde ayaa daba socotay xanibaad la saaray mas’uuliyiin ka socotay gobolka Gedo, taas oo sidoo kale ka hortimid amarkii socdaalka garoomada ee uu horey u soo saaray Rooble.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post