837 Views

Maxamed Mursa oo qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden u soo magacoowday Soomaaliya

Maxamed Mursa oo  qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden u soo magacoowday Soomaaliya
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 15, 2021

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden u soo magacoowday Soomaaliya Per Lindgarde.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen dardargelinta howlaha lagu dhameystirayo doorashooyinka Dalka ka biloowday iyo xaqiijinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka.

Guddoomiye Maxamed Mursal iyo Safiir Per Lindgarde ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi,  is-ixtiraam si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada amniga, gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha, , horumarinta iyo arrimaha bulshada.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Safiirka Cusub ee Sweden ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in uu soo dhoweyn wanaagsan kala kulmi doono shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda.

Safiirka cusub ee Dowladda Sweden u soo magacaawday Soomaaliya ayaa waxaa dhawaan warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post