837 Views

Dowladda oo sheegtay in uu isku-soo dhiibay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 12 2019 —Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegeen in Maanta uu isku-soo dhiibay Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Sarkaalka ayaa Magaciisa waxaa ay ku sheegeen Yaroow Xasan Aaden,balse Shabaab dhexdooda looga yaqaanay (Seyfu-Laah),waxana la sheegay in uu isku- dhiibay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool.

Sidoo kale Sarkaalkaas ayaa la sheegay in uu ka howlgal,isla markaana uu kazoo dagaalamay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya,isla markaana Al-Shabaab uu u qaabbilsanaa isku xirka Ciidanka iyo Saraakiishooda.

 

Si kastaba tira ka dhowr jeer ayaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolada dalka qaarkood waxaa ay soo bandhigeen Saraakiil ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab balse kasoo goosteen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment