1950 Views

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo lagu wareejiyay xaruntii ay ku laheyd Degmada Hodon

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo lagu wareejiyay xaruntii ay ku laheyd Degmada Hodon
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 9, 2018 – Maamulka degmada Hodon ayaa maanta waxaa uu ku guuleystay in uu ku wareejiyo  Wasaaradda Waxbrashada Hidaha iyo tacliinta sare Xaruntii ay ku laheyd xaafada taleex ee degmada Hodan ee Gobolka Banaaadir.

Xarunta Maanta lagu wareejiyay Wasaaradda ayaa waxaa degenaa dad Shacab ah oo maamulka degmada uu ka codsaday in ay ka guuraan Madaama ay tahay Xarun denguud.

Waxaa xaruntaan  deganaan jiray masuuliyiinta ugu sareysa Wasaaradda Waxbarshada, waxaana ku dhawaad 30 sano degenaa dad shacab ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in xaruntaan lagu sameyn doono dayactir, islamarkaana uu kaga mahadcelinaayo maamulka degmada Hodon dadaalka ay muujiyeen.

Wasaaradda Waxbarashada Qaranka Soomaaliyeed ayaa dhawaanahaan waday qorshayaasha lagu tayaynayo Waxbarashada Dalka iyo dibu dhiska xarumihii ay laheyd Wasaaraddu si loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed.

wasaaradi-waxbarashada-2 wasaaradi-waxbarashada-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment