1719 Views

Dowlad Goboleedka Galmudug oo soo bandhigtay Naqshadda dhismaha Dekedda Hobyo.

Dowlad Goboleedka Galmudug oo soo bandhigtay Naqshadda dhismaha Dekedda Hobyo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Isiin     , March 23, 2020 —Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta soo bandhigtay naqshadda loo dhisayo Dekedda Hobyo ee Gobolka Mudug.

 

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Galmudug Faysal Nuur ayaa sheegayin dhawaan uu bilaabanayo mashruuca lagu dhisayo Marsada Hobyo oo ay gacan ka geysaneyso Hay’adda Cunnada Qaramada Midoobe u qaabilsan WFP.

Naqshadda dhulka Dekeda waxaa ka muuqda barxadda la dhigayo Gaadiidka, halka ay kusoo xiranayaan Maraakiibta iyo doomaha, Wiishashka dejinayo badeecadaha iyo dhammaan waxyaabaha ku xeeran dhaq-dhaqaaqa dekedda.

 

 

 

Maamulka Galmudug ku howlan dhismaha Dekedda Hobyo ee Gobolka Mudug, waxaana mashruuca lagu dhisayo bixinaya Dowladda Qadar oo ballanqaaday.

 

4-tii July sanadkii 2018-kii, waxaa Dekedda Hobyo tagay wafdi ka socday Dowladda Qadar iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle, isla sanadkaan bishii December waxa ay Xukuumadda Dooxa sheegtay in ay bilaabeyso dhismaha Marsada, inkasta oo aan wali lagu dhaqaaqin.

 

19-kii Agoosto sanadkii 2019-kii, waxaa heshiiska mashruuca lacagta ku baxeyso kala saxiixday Wasiirada dekadaha Soomaaliya iyo Qadar Maryam Aweys Jaamac iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, Madaxweynihii hore ee Galmudug, qaar kamid xildhibaannada labada gole, wasiirro iyo wasiirro ku xigeenno ka tirsan XFS.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment