915 Views

Kulan ku saabsan la tacaalidda isbadalka cimilada oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan ku saabsan la tacaalidda isbadalka cimilada oo lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Isniin: December 20, 2021

Kulan Aqoon-isweydaarsi ah oo ku saabsanaa la tacaalidda Isbeddelka cimilada oo ay ka qaybgaleen hey’adaha Dowladda Federaalka ee bahwadaagta la ah Agaasinka Deegaanka ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo Agaasinka soo qabanqaabiyay ayaa lagu lafaguray warbixinta ka go’naanta latcaalidda Isbeddelka cimilada Soomaaliya (NDC) uu Agaasinka Deegaanka qoray sanadkan taas oo loogudbiyay hey’adda UNFCCC ee Qaramada Midoobay sanadkan.
Warbixinta ayaa ka kooban qorshooyin cimilo Qaran oo muujinaya ficilada cimilada, oo ay ka mid yihiin siyaasadaha iyo tillaabooyinka ay dawladda hiigsanayso si ay u hirgeliso si looga jawaabo isbeddelka cimilada iyo ka qayb qaadashada ficilka cimilada adduunka.

Waxaa casharo ku saabsan Isbeddelka Cimilada ka bixiyay khubaro kala duwan, iyadoo halkaasi khudbado kula duwan ay ka jeediyeen madaxdi kasoo qaygashay kulanka oo ka kala socdeen wasaaraddaha Dalka qaarkood.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa baahinta warbixinta NDC in ay hey’addaha dowladda ku saleeyaan qoshahooda qaybaha kheyraadka dabiiciga, si lamida Qorshaha Qaran ee Horumarinta Dalka NDP9.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post