2193 Views

Gudoomiye Jawaari “waan iska casilay xilka guddoomiyaha baarlamaanka”

Gudoomiye Jawaari “waan iska casilay xilka guddoomiyaha baarlamaanka”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 9, 2018 – Gudoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si rasmi ah ugu xaqiijiyey laanta Af Soomaaliga ee BBC-da in uu go’aansaday in uu xilka iska casilo.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in go’aankan uu qaatay si uu burbur uga badbaadiyo Baarlamanka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulanka arbacada ee baarlamaanka uu istaqaaladiisa ka hor gudbin doono.

Faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixinin sababaha uu isu casilay, iyo talaabada xigta ee uu qaadi doono, noomana suurtogalin in aan wareysi faahfaahsan la yeelanayo guddoomiyaha marka laga tago xaqiijinta iscasilaadiisa.

Mar sii horeysay maanta, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Cabdiwali Muudeey ayaa baarlamaanka ka sheegay in uu is casilay Jawaari, sidaasi darteedna waxaa la joojiyay codkii kalsoonida ee loo qaadi lahaa guddoomiyaha.

Muddo 26 maaalmood ah ayaa waxaa dalka ka socday qalalaase siyaasadeed oo ka dhashay soojeedin ama mooshin ahaa in guddoomiye Jawaari codka kalsoonida lagala noqdo.

Jawaari ayaa qudhiisa sheegay in madaxweynaha uu ka codsaday in uu is casilo, balse uu isagu diiday in uu iscasilo, wuxuuna ku adkeystay in cod kaliya uu ku bixi doono.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment