1089 Views

Wasaaradda Waxbarashada oo soo saartay go’aamo lagu baabi’inayo lacago uu gobolka Banaadir ka qaado ardayda

Wasaaradda Waxbarashada oo  soo saartay go’aamo lagu baabi’inayo lacago uu gobolka Banaadir ka qaado ardayda
____________________________________________________________________________

Isniin: November 8, 2021

Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa soo saartay go’aamo lagu baabi’inayo lacago uu gobolka Banaadir ka qaado ardayda, iskuulada iyo adeegyada asaasiga ah ee waxbarashada gobolka

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay inay soo gaartay cabashooyin badan oo kaga yimid hoggaanka Midowga Dalladaha Waxbarashada Soomnaaliyeed, Midowga Dugsiyada gobolka Banaadir, Ururka macalimiinta, Ururada bulshada rayidka ah ee u dhaq-dhaqaaqa hormarinta adeegyada waxbarashada iyo Waalidiinta Soomaaliyeed, sidaasi darteedna ay u go’aansatay in la baabi’iyo.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka in Wasaarada Waxbarashada ay mas’uul ka tahay hantida ma guurtada ah ee goobaha waxbarashada ee raacsan wasaaradda, islamarkaana uusan gobolka wax ka bedel iyo kireyn ku sameyn karin.

“Ayada oo la wada-ogsoon yahay duruufaha gaarka ah ee ay la daaladhacayeen iyo culayska ay arrintani ku sii kordhisay, sidoo kalana ay Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda JFS, oo ay soo gaartay qayla-dhaantaan culayska wayn leh, waliba si gaar ah lagu kali yeelay waalidiinta ay caruurtoodu wax ku bartaan iskuulada ku yaala gobolka Banaadir, waxaa Wasiirka uu soo saaray qoddobada soo socda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka aqriso qoddobada kasoo baxay wasiirka;

1. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxaa uu baa’bi’iyay dhammaan qarashaadka ku xusan liiska Tariifada uu soo gudbiyay Agaasinka Waxabarashada gobolka Banaadir, uuna ansixiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duga Magaalada, taas oo ku lifaaqan warqadan.

2. Iyada oo la tix-raacayo xeerka madaxwaynaha JFS ee ku aadan ku takrifalka iyo musuq-
maasuqa dhulalka danta guud gaar ahaan goobaha waxbarashada, Wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa ka mas’uul ah hantida ma guurtada ah ee goobaha waxbarashada sida iskuulada, xanaanooyinka iyo xarumaha kala duwan ee xafiisyada iyo wakaaladaha ee raacsan wasaradda, waxaana cidkasta ka reeban in ay ku tasarufto, sida in la kireeyo anma u badalid adeegyo kale iyadoo aan ogolaansho looga haysan wasaaradda.

“Waxaa aad uga xunahay culayskii iyo jahawareerkii ay abuurtay arrintaan
abashada laga soo gudbiyay, madaxda qarankana ku abuurtay walwalka, taas oo keentay in aan go’aamadaan ka soo saarno, waxaana aad u rajaynayaa in aysan soo laaban mar danbe,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka.

Dhamaad

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post