192 Views

Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Gaari Dameer Qaraxyo lagu soo raray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Gaari Dameer Qaraxyo lagu soo raray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 23, 2022

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka dowladda fashiliyeen gaari dameer lagu soo rarary waxyaabaha qarxa, kaa oo la doonayay in weerar qorsheesan lagu geesto.

Gaari dameerkan qaraxyada lagu soo raray ayaa xalay lagu qabtay duleedka magaalada Baledweyne, waxaana gaarigan la sheegay in ay la socdeen rag hubeesan oo katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan Baledweyn ayaa sheegay in ay heleen xogta qaraxan lagu soo raray gaari dameerka, waxa ayna sheegeen in ciidamada fashiliyeen qaraxaasi kahor inta aan la gaarsiin bartilmaameedkii loo waday.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaarigan qorshuhu ahaa in lagu weeraro saldhig ciidanka dowladda ku leeyihiin deegaanka Baardheere oo magaalada Baladweyne Koofur ka xigo qiyaastii 20KM.

Ciidamada dowladda ayaa wararku sheegayaan in ay ku guul dareesteen in ay gacanta ku dhigaan ragii waday gaari dameerka qaraxyada lagu soo xiray, waxaana la sheegay in ragan oo hubeesnaa ay la dagaalameen ciidanka dowladda horeyna u baxsadeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post