1434 Views

Golaha Ammaanka ee QM oo ka shiraya dib-u-dhimista ciiddanka AMISOM

Golaha Ammaanka ee QM oo ka shiraya dib-u-dhimista ciiddanka AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 28, 2018 –  15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa la filayaa inay berrito oo Isniin ah Kulan Khaas ah ka yeeshaan Arrimaha Somalia, gaar ahaan sidii mar kale loo xaqiijin lahaa Awoodaha AMISOM iyo dib-u-dhimista tiradda Ciiddanka AMISOM.

Golaha waxaa la filayaa inay  Xilli-hawleedka AMISOM gaarsiiyaatn tan iyo  bisha May 31-da ee sannadka soo socda ee 2019-ka.

Qoraal qabyo ah oo ay Golaha Ammaanka ee QM u codeyn doonaan ayaa waxaa lagu muujiyey in la dhimo tiradda Ciiddanka AMISOM  iyo kuwa Boliska ee AMISOM marka la gaaro bisha Feberaayo 28-ka ee sannadka soo socda ee 2019-ka.

Qoraalka Qabyadda ee hor yaalla Golaha Ammaanka ee QM waxa uu muujinayaa in Tirada Ciiddanka AMISOM la yareeyo, lana gaarsiiyo 22, 626 Askari, halka tirada Boliska AMISOM laga dhigayo 1,040 Askari.

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM ee tirsigiisu ahaa 2415 waxa uu Goluhu kordhiyey Xilli-hawleedka AMISOM inta laga gaarayo dabayaaqadda bishan July, si loo bilaabo Isbedelka Farsamo iyo Qiimeynta Wadajirka ee QM iyo Midowga Afrika ee Hawlgalka AMISOM.

Xilli-hawleedka ay Hawlgalka AMISOM ku hawl-galaan waxaa la sameeyey sannadkii 2007-dii, su ay Ciiddanka AMISOM uga hawl-galaan sidii ay Ciiddanka Ammaanka Somalia ugu wareejiyaan mas’uuliyadda Ammaanka Somalia iyo in la kobciyo Awoodda Ciiddanka Ammaanka iyo inay Ciiddanka AMISOM yareeyaan Cabsida ay Alshabaab iyo kooxaha kale ee Mucaaradka Hubeysan ku hayaan DFS.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment