387 Views

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo xaflad Soo dhaweyn ah u qabatay Ardeydii ku guuleysatay imtixaanka deeqda waxbarashada ee 2022

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo   xaflad Soo dhaweyn ah u qabatay Ardeydii ku guuleysatay imtixaanka deeqda waxbarashada ee 2022
____________________________________________________________________________

Khamiis: NOVEMBER 10, 2022

.

Munaasabadaan oo ka dhacday Xarunta dhaxe ee Shirkada Hormuud telecom ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Gudoomiyaha Hormuud Telecom, Gudoomiyaha  Hey’ada Hormuud Salaam Foundation, Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga, waalidiin iyo masuuliyiin kale.

Ardayda  maantay loo qabtay xaflada soo dhaweynta oo gaareya 45 arday ayaa ah kuwii kaalmaha hore ka galay imtixaankii Qabuulka ahaa ee Hay’adu qabatay bishii September ee sanadkaan kaasi oo ay u fariisteen 400  arday oo kasoo qalin jabiyey dugsiyada sare e dalka.

Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadlay gudomiyeha hey’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdulahi Nuur Cismaan oo faahfaahiyay ujeedada loo qabtay xafladaan asagoo sheegay in in ay mar walba u taaganyihiin garab istaaga dhalinyarada soomaaliyeed ee aan awoodin kharashaadka waxrbarashada

Qaar kamid ah rdeyda iyo waalidiin ayaa sidoo kale madasha ka hadlay, iyagoo uga mahad celiyey Hey’ada Hormuud Salaam Foundation fursadaan ay u abuureen ardeyda Soomaaliyeed.

Gudomiye Ku xigenka Rungta Ganacsiga Cabdiraxman Galaambe oo isna xaflada ka hadlay ayaa uga mahad celiyay doorka muuqda ay hormuud salaam foundation u heyso ardayda soomaaliyeed.

Gudomiyaha SHirkada Hormuud Axmed Maxamuud Yuusf munasabada ka hadlay ayaa ku dhiiri galiyay ardaydii fursada u heshay deeqda in ay ka mira dhaliyaan waxbarashada.

Intii ay socotay xaflada  waxa ay Hay’addu  u qeybisey ardaydaan Laptop-yo iyo agabka waxbarashada oo ka caawin doona barashada iyo samaynta cilmi baarisyada, muddada afarta sano ah ee ay waxbarashada ku guda jiraan.

Ugu danbeyn waxaa munaasabada soo xiray Wasirka wasaarada waxbarashada Faarax SH Cabduqadir oo Hey’ada Hormuud Salaam Foundation ku amaanay waxqabadka muuqda ay bulshada ku celineyso.

45 taan arday ayaa ka dhigeysa tirada ardayda wax ay waxbarashada ka bixiso hey’adda Hormuud Salaam Foundation kharashaadka waxbarashada 120, deeqda waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation oo soo billowday sannaddii 2019, waxaana la filayaa in ay sanadka soo socda ay qalin jebiso dufcadii ugu horreysay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post