1344 Views

Golaha Wasiirada Sudan oo shaaciyey Maalinta Ciidul-Fitriga

Golaha Wasiirada Sudan oo shaaciyey Maalinta Ciidul-Fitriga
____________________________________________________________________________

Qoraal ka soo baxay Xoghaynta Golaha Wasiirada ee dalkaasi ayaa lagu shaaciyey in Fasaxa Maalmaha Ciiddul-Fitriga ay bilaaban doonto maalinta Arbacada oo ku beegan bishan May 12-da, iyadoo Munaasabadaasi socon doonto ilaa bishan May 16-da oo ku beegan maalinta Axadda ee soo socota.

Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay inay Shaqaalaha Dowladda Sudan dib ugu laaban doonaan shaqooyinkooda bishan May 17-da.

Dhinaca kale, Sacuudiga waxay markii ugu horeysay shaaciyeen inay Taariikhda Kalandarka Islaamka loo isticmaalayo Teknoolajiyada Cilmiga Xiddigiska (Falaga), halkii loo adeegsan jirey Dhaqanka Aragtida Bisha.

Sheekh C/llaahi Bin Suleymaan Al-Manc oo La-taliye ka ah Maxkamadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay inuu sanadkan Ramadaanku noqon doonto 30 malmood, sida uu ku sheegay Wareysi uu siiyey Shabakadda Warbaahinta ee Al Shorouq Online.

Waxa uu ugu baaqay dadka doonaya inay bilashada bisha cusub eegan dhamaadka bishan Ramadaan inay sii wadi karaan arrintaasi.

Sacuudiga waxy sheegeen in bishan Ramadaan la soomi doono 30-maalmood, inkastoo lagu kala duwan yahay Aragtidaasi.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post