342 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah la qaatay Safiirkii Kenya ee Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah la qaatay Safiirkii Kenya ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 7, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay Safiirkii Dowladda Kenya u joogay dalka Lucas K. Tumbo oo dhammeystay muddo xileedkiisa diblomaasiyadeed ee uu uga howl-gelayey dalka. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Danjire Lucas K. Tumbo uu ka howlgalayey gudaha dalka muddo dheer, taas oo ka dhigan in uu wax badan ka fahmay hiddaha iyo dhaqanka wanaagsan ee shacabka Soomaaliyeed oo ku saleysan iskaashi, is-ixtiraam iyo daris wanaag oo dhammaantood jihaaye u ah dowladnimada iyo diblumaasiyadda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjire Lucas K. Tumbo ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo garab istaagga ay u muujiyeen.

Sidoo kale waxaa uu tilmaanay dadaalka uu ku bixiyey xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post