783 Views

Maxay kawada hadleen RW Rooble & Midowga Musharixiinta?

Maxay kawada hadleen RW Rooble & Midowga Musharixiinta?
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 30, 2021 —Waxaa Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Xubnaha Midowga Musharixiinta, kaas oo ay kaga hadleen arrimo dhowr ah.

War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka, turxaanbixinta habraacyadii 24-kii bishan iyo sidii loogu gudbi lahaa wajiga labaad ee doorashda Golaha Shacabka.

Wararka kulanka laga helay ayaa waxaa ay sidoo kale sheegayaan in Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble u gudbiyeen tabashada ay ka qabaan habraacii doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka oo ay dhawaan soo saareen Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo bilaabista wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka ee BFS, si dhowna looga wada shaqeeyo arimaha u baahan kala cadeeynta.

Kulamada u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Midowga Musharixiinta ayaa sii socon doona ,waxaana Xubno ka tirsan Musharixiinta ay Risaala u sheegeen in aysan aqbi doonin in doorashada lagu qabto habraac ay kasoo horjeedaan.

Xubnaha Midowga Muaharixiinta ayaa dhawaan Warsaxaafadeed ay soo saareen waxaa ay sicad uga soo horjeesteen habraacii doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka oo ay dhawaan soo saareen Golaha wadatashiga, iyaga oo sheegay in wixii Farmaajo ay ka diideen aysan ka aqbaleyn madax kale.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post