357 Views

Wafdi horu dhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Geelle oo goor dhawayd soo garay magaalada Muqdisho

Wafdi horu dhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Geelle oo goor dhawayd soo garay  magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Isniin: June 6, 2022

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi horu dhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumer Geelle oo maalmaha soo socda lagu wado inuu soo gaari magaalada Muqdisho.

Wafdigan oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo xidhibaano ka tirsan labada gole ee BFS.

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaacil Cumer Geelle ayaa ka qayb galaya Caleema Saarka Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, oo 9-ka Bishan Jun ka dhacaysa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wafuud kala duwan oo isugu jira madaxda Geeska afrika ayaa lagu casuumay Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post