753 Views

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo xalay Garoowe iyo Kismaayo kulamo kula qaatay siyaasiyiinta iyo wax garadka

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland  oo xalay Garoowe iyo Kismaayo kulamo  kula qaatay siyaasiyiinta iyo wax garadka
____________________________________________________________________________

April 17, 2021

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo kulamo wadatashi ah kula qaatay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanadooda.

Madaxweynaha Jubaland ayaa bayaan kooban oo uu soo saaray ku yiri “Waxaan caawa kulan miro dhal ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland iyo aqoon yahanka deegaanka iyadoo aan la wadaagay xaalada uu dalku marayo iyo dadaalkii lagu soo bixiyay dib u dhiska dalka”.

Dhanka kale afhayeenka Puntland Jaamac Dabaraani ayaa yiri “Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu caawa kulan wadatashi ah la qaadan doonaa Aqoonyahanada, Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Bulshada Rayidka ah ee reer Puntland. Wadatashiga kadib, Puntland waxay soo saari doontaa war ku saabsan mowqifkeeda ku saabsan mudo kordhinta sharci darada ah ee uu sameeyay Farmaajo”.

Madaxweyne Deni ayaa wadatashigan sameeyay ka hor inta uusan berri oo sabti ah hortegin Baarlamaanka Puntland oo u jeedin doono khudbad.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa maalmo ka hor Muqdisho ka tagey markii uu fashilmay shirkii Afisyoone ee doorashada Soomaaliya, sidoo kale soo baxay go’aankii baarlamaanka ee muddo kordhinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post