1548 Views

Sawirro:-Shirka Golayaasha Sharci Dejinta Oo Goordhow Ka Furmay Magaalada Garoowe

Sawirro:-Shirka Golayaasha Sharci Dejinta Oo Goordhow Ka Furmay Magaalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 08, 2019 –Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa Goordhow si rasmi ah uga furmay Shirka Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan Guddoonka Baarlamaanada dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda Dhexe Federaalka Soomaaliya,kuwaasi oo shalay gaaray Garoowe.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ah Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in Shirka ay kasoo baxaan qodobo lagu sii dar dar geliyo wada shaqeynta iyo iskaashiga Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Shalay ayaa Magaalada Garoowe waxaa gaaray Guddoonka Baarlamaanka maamulada Jubbaland,Koonfur Galbeed, Hirshabeelle,waxaana ka maqan oo kaliya Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,kaasi oo aan lagu Casuumin Shirka.

Sababta ka dambeysay arrinkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay khilaaf ka dhex jira Madaxda ugu sarreysa dowlad Goboleedka Galmudug,kuwaasi oo haatan kala dagan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment