1167 Views

AMISOM oo cambaareysay qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir

AMISOM oo cambaareysay qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 26, 2019 —Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire;Francisco Madeira, ayaa si weyn u dhalleeceeyay weerarkii ay l-Shabaab dhowaan la beegsadeen Xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

 

Danjire; Madeira, ayaa yiro, “Ficilkan naxariis darrada ah , waxaa cad in loogu talo galay in lagu daadiyo Dhiig badan oo ah Dad aan wax galabsan ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Amb; Francisco Madeira, ayaa sidoo kale sheegay in kuwa mas’uulka ka ahaa weerarka ay doonayaan oo keliya in ay sii wadaan ficillada noocan ah oo Dalkana u horseedaya bur-bur iyo qalalaase.

 

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire;Francisco Madeira, ayaa intaa raaciyay in aysan Al-Shabaab ku guuleysan doonin ololaha dagaal ee macna darrada ah, wuxuuna sheegay in reer Muqdisho iyo Dadka Soomaaliyeed oo dhami ay u ooman yihiin nabad.

 

Danjire; Francisco Madeira, ayaa ugu dambayn tacsi u diray Qoysaskii dhibbanayaasha iyo maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna kuwa dhaawaca qaba ah u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment