480 Views

Golaha Ammaanka ee QM oo waqti ugu daray howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida

____________________________________________________________________________


Sabti: December 4, 2021

 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi uu ka yeeshay waxa laga yeelayo howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ku go’aamiyay waqti kordhin loo sameeyay ciidamada caalamiga ah ee howlgalkaas ku howlan.

Fadhiga waxaa warbixin looga dhageystay dalalka ku haboohay Ciidamada jooga Biyaha Caalamiga & Xeebaha Soomaaliya si ay usoo gudbiyaan macluumaadka ay la wadaageen Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaas.

Dhanka Soomaaliya waxaa kulanka Golaha Ammaanka ku metalay Danjiraha u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) oo soo bandhigay macluumaadka howlgallada la dagaalanka burcadda iyo heerka halistooda maanta ay joogto.

Abuukar ayaa sheegay in 4tii sanno lasoo dhaafay aanay jirin afduub ama weerar ay sameeyeen kooxaha burcad badeeda sidaas awgeed Dowladda Federaalka ay dalbaneyso in si kale looga faaiideysto howlgalkaan.

Danjire Abuukar ayaa sheegay in la joogo waqtigii Dowladda Soomaaliya & Dhinacyada ku haboohay Ciidamada qaabilsan “Nabadgalyada Badaha” ay kawada xaajoon lahaayeen waxa xiga ee howlgalkaan lagu sameynayo mar haddii ay meesha ka baxday awoodda burcadda.

Golaha Ammaanka ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay in Ciidamada caalamiga ah loo kordhiyo sanad (12 Bil)  si howlgalkooda la dagaalanka Burcad badeeda uu u qaato sanad kale oo lagu qiimeynayo heerka ay gaarsiisan tahay awoodda Kooxaha wax afduubta.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post