897 Views

Somaliland oo sheegtay inay keysaneyso Qalabka lagu baaro COVID 19

Somaliland oo sheegtay inay keysaneyso Qalabka lagu baaro COVID 19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 7, 2020 –Guddida ka hortagga iyo u diyaar garoowga xanuunka COVID 19 ee Soomaaliland ayaa Maanta waxaa ay soo saareen Warbixino la xiriira Coronavirus iyo xaaladihii u dambeeyey ee deegaannada Soomaaliland.

 

Xubnaha Guddiga oo Warbaahinta kula hadley Magaalada Hargeysa ayaa Bulshada ku nool Soomaaliland  la wadaagay warbixin cusub oo la xiriirta xaaladda Caafimaad iyo waxyaabaha ilaa iyo waqtigan u qabsoomay guddi ahaan, waxana ay soo saareen dhowr qodob oo muhiim u ah ka hortaga Cudurka COVID 19.

 

 

 

Guddiga ayaa sheegay in  dhawaan deegaannada Soomaaliland la keeni doono oo la dalbay mashiinka lagu baaro Virus-ka covid 19 ee loo yaqaanno PCR,isla markaana dadkii ka shaqayn lahaa lagu soo tababaray dalka Kenya.

 

Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in Ilaa iyo hadda  dhiig iyo dheecaanno laga qaaday 20 qof oo isugu jira dadkii ay la kulmeen labadii qof ee hore looga helay xanuunka iyo qaar lagu arkay astaamo u eg kuwa xanuunka Covid 19, ayna sugayaan natiijada maalmaha soo socda.

 

Qodobada kale ay Guddiga sheegeen ayaa waxaa kamid ahaa in Ilaa iyo haatan jirin dad cusub oo lagu arkay xanuunka COVID 19, gudaha Somaliland, marka laga tago labadii qof ee hore loo shaaciyey.

 

Ugu dambeyn waxaa at sheegeen in dhawaan ay baxayaan 186 hawl-wadeen oo wata 62 gaari, kuwaas oo mari doona dhammaan gobollada iyo degmooyinka Soomaaliland, si ay uga digtoonaadaan Cudurka Coronavirus.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment