1683 Views

Dowladda Jarmalka oo lacag ugu deeqday Soomaaliya

Dowladda Jarmalka oo lacag ugu deeqday Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 08, 2018–Guddoomiyaha golaha shacabka, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, wasiiro, xildhibaano, diblomasiyiin iyo xubno kale ayaa ka qeyb galay munaasabadda xuska maalinta midowga Jarmalka oo maanta lagu qabtay xarunta Midowga Yurub uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya oo ugu horeyn ka hadashay munasabadda xuska ayaa aad uga hadashay xiriirka Jarmalka iyo Soomaaliya, iyada oo tilmaamtay in Jarmalka uu ka go’an yahay xoojinta xiriirka labada wadan.

Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday lacag dhan 100 Million oo Dollar, taasi oo sida ay sheegtay dalka Jarmalka uu ku taageerayo Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay xuska munaasabadan inay wax weyn uga dhigan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama Jarmalka uu ka mid yahay saaxiibada Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa u hambalyeeyay dhammaan dowladda iyo shacabka Jarmalka, wuxuuna tilmaamay in Jarmalka uu hawlo baaxad leh ka hayo Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment