3459 Views

Madaxweynaha Kenya oo si kulul uga hadlay Askartii looga laayay Dhoobley

Madaxweynaha Kenya oo si kulul uga hadlay Askartii looga laayay Dhoobley
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 08, 2018 – Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in sagaal askari oo Kenyan ah loogu dilay Qarixii ka dhacay degmada Dhoobley ee gobolka Jubabdda Hoose.

Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa cambaareeyay askartii lagu dilay fiidnimadii Axaddii weerarkii al-Shabaab ee Dhobley, Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo oo sheegay in ay dileen 15 Askari oo Kenyaan ah kuwo kalena ku dhaawaceen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Murugadda la qeybsanaayo qoysaska Askartii ku dhimatay Dhoobley, islamarkaana ay ka go’an tahay in ay sii waddaan howlgalkooda Soomaaliya.,

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, waxaana inta badan ay ku sugan yihiin degaanaada maamulka Jubbaland.

Al-Shabaab waxa ay weeraro dhowr jeer ah ku qaaddeen Kenya tan iyo bishii Oktoobar 2011-kii, iyada oo sheegay in ay tahay ciqaabta Ciidamada Kenya ee soo galay xilliggaasi Gudaha Soomaaliya.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment