813 Views

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo Haweeneey Soomaali ah xukun

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo Haweeneey Soomaali ah xukun
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-23-2020-Haweeneydaan oo Magaceeda lagu soo koobay Nimco ayaa waxaa xukun Xabsi ah ku riday Maxkamad ku taalla magaaladda Detmold ee Jarmalka , iyada oo lagu eedeeyay fal iskuday dil ah.

Nimco oo maxkamadeynteeda soo martay heerar kala duwan ayaa la sheegay inay dhaawac halis ah ugu gestaya Gudaha dalka Soomaaliya inta aysan tegin Jarmalka laab rag ah oo ku dhex kufsaaday Dukaan ku yaalla gudaha dalka, iyada oo dhaawaca u adeegsatay Tooreey ama mindi.

Nimco oo ah marwo leh Saddex Carruur ah ayaa u sheegtay xeerbeegtada in ay falkaas ku kacdey markii ay dil ugu hanjabeen kuwii kufsanayay, falkaasi oo ka dhacay sanadkii Bishii Maarso sanadkii 2013-kii una sameysay si ay u badbaado.

Nimco ayaa kiiskeeda soo bilaawday sanadkii 2017, xilligaas oo ay jarmalka tahriib ku gashay kana tagtay degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay kasoo jeedo.

Xeer ilaalinta Maxkamadda taalla magaaladda Detmold ee Jarmalka ayaa sheegtay in kiiskan ay ku wareejin waayeen dowladda Soomaaliya sababo la xiriira cabsi laga qabo in dil toogasho lagu xukumo, hayeeshee ay muteysan xukun ah lix bilood oo Xabsi ah.

Qaar kamid ah dalalka Caalamka ayaa waxaa inta badan lagu Maxkamadeeyaa Soomaali farabadan oo geystay dambiyo kala duwan oo uu dil kamid yahay, kuwaas oo muteysta dil ama xukuno Xabsi ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post