1290 Views

Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanke Kenya Oo Feeray Xildhibaanad

Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanke Kenya Oo Feeray Xildhibaanad
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 13,, 2019  –Xildhibaan Rashiid Amiin oo ka tirsan Barlamaanka dalkaasi, lagana soo doorto Degmadda Wajeer Bari ayaa la sheegay inuu u gacan qaaday Faadumo Geedi Cali oo ah Wakiilka Haweenka Wajeer u matasha Barlamaanka.

Wargeyska The Star ayaa qoray in Xildhibaanka falkaasi ka geystay Barxadda Dhismaha Barlamaanka ee magaalladda Nairobi.

Xildhibaano iyo Saraakiisha Ammaanka ee ilaaladda ka ah dhismaha Barlamaanka ayaa la sheegay inay si naxariis-darro ugu eeganayeen dilka loo geystay Faadumo Geeddi Cali.

Wargeyska The star waxa uu qoray inuu Xildhibaan Rashiid Amiin ka codsaday Faadumo Geddi oo ka mid ah Guddiga Miisaaniyadda ee Barlamaanka inuu ogaado sababta dadka Deegaankiisa Wajer Bari loo siin la’ yahay Kharajka safarkii ay Guddiga Miisaaniyadda dhaw aan ku tageen Deegaankaasi.

 

Faadumo Geedi oo la hadashay Wargeyska The Star waxay sheegtay inay Xildhibaanka isa salaameen, kadibna uu dood ka keenay lacagahaasi, balse ay u sheegtay inuusan isagu joogin Deegaanka, iyo inuusan isku keenin dadkiisa, si uu u soo gudbiyo kiiskooda.

 

Waxay intaasi ku dartay inaysan Xildhibaanka ka filaynin inuu iyada ku tilmaamo qof wasaq ah, iyo inuu  garaaco.

“Waan ka argagaxay, waana rumeysan waayey dhacdadaasi, mar kale ayuu igu soo laabtay oo I feeray” ayey tiri Faadumo Geeddi.

Haweeney kale oo  lagu magacaabo Gladys Wanga oo ah Wakiil ka tirsan Barlamaanka Kenya oo la socotay Faadumop Geeddi ayaa u  xaqiijisay The Star inuu Faadumo Geedi wejiga laga garaacay oo uu dhiig ku yaallay wejigeedaa.

Waxay intaasi ku dartay inay la yaabtay in uu qof ay shaqo wadaag yihiin uu feero haweeney Xildhibaanad ah.

Dhinaca kale, Faadumo Geedi waxay u carartay Isbitaalka Karen, halkaasi oo Gargaarkii 1-aad loogu fidiyey, ka hor intaysan dacwadeeda u gudbinin Saldhiga Boliska ee Barlamaanka Kenya.

Dhinaca kale, mar uu Wargeyska The Star la xiriiray Xildhibaan Rashiid Amiin ma uusan beeninin, mana xaqiijinin eedeynta loo haysto, wuxuuna sheegay inuu  u jawaabi doono Boliska.

Xigasho: The Star

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment