3609 Views

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo ku baaqay bixinta lacagaha canshuuraha Dalka

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo ku baaqay bixinta lacagaha canshuuraha Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 02. 2017— Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle oo maanta marti ku ahaa Barnaamij ka baxayay TV-ga Dowladda ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay bixiyaan canshuurta.

Waxa uu sheegay muhiim in ay tahay shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Ciidanka, Wadooyinka, si loo gaaro hormaro talaabo wanaagsan leh.

C/raxmaan Bayle ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed ka codsaday in ay joogaan wadankooda oo ay ka shaqeystaan, taasina ay sharaf leedahay, oo uusan waxba tareyn wadan shisheeye.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay diyaar in ay u yihiin canshuurta shacabka Soomaaliyeed laga soo qaado in ay wax badan ku qabtaan, hadii ay ku qaban waayaana ay isaga degi doonaan kursiga.

Arbacadii ina dhaaftay ayuu Wasiirka Maaliyadda XFS C/raxmaan Ducaale Bayle waxa uu shir jara’id ku qabtay xarunta Wasaarada, isaga oo kaga uga hadlayay horumarada ay Wasaaraddu samaysay 60-kii casho ee u dambaysay sida:- kordhinta dakhliga, qaadashada mushaaro joogta ah iyo arrimo kale.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment