819 Views

Gobolka Hiiraan oo lagu wado in ay gaaraan wafdi ka socda Dowlada Somaliya

Gobolka Hiiraan  oo lagu wado in ay gaaraan wafdi ka socda Dowlada Somaliya
____________________________________________________________________________

May 23 2021

waxaa lagu wadaa in Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan in ay soo gaaran Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacasiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

Wafdiga oo ay qeyb ka ah Xildhibano ka tirsan Golaha Shacabka iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa la filayaa inay qeyb ka noqdaan Dadaalada Nabadeed dib u heshiisiinta Beelahii dhawaan ku dagaalamay Duleedka Waaqooyiga Galbeed ee Magaalada baladweyne.

Dhawaan waxaa Magaalada Beledweyne tegay Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socda Maamulka Hir-Shabeelle, iyaga oo ku biiray wada-hadallada xalka gaarista Beelaha dagaalamay.

Sidoo kale Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda Shir lagu heshiisiinayo labada Beelood eek u dagaalamay degaannada u dhow Magaalada Beledweyne, waxaana shirka ka qeyb galaya Wasiiro ka tirsan dowladda iyo Maamulka Hir-Shabeelle.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post