1116 Views

Doorashada dalka Maraykanka oo bilaaban doonta saacadaha soo socda..

Doorashada dalka Maraykanka oo bilaaban doonta saacadaha soo socda..
____________________________________________________________________________

Maalinta berri ee Talaadada dalkan Maraykanka waxa ka dhacaya doorashada Madaxtinimada iyo goleyaasha wakiilada iyo senate ka oo xubnaha qaar dib loo dooranayo.

Dhawr qof oo Soomaali ah oo hore xilal u hayay ama u tartamay ayaa ka mid ah dadka berri tartamaya ee codka ka doonaya dadka ay metelaan ee gobolada iyo degmooyinka dalka marayakanka.

Soomaalida Tartamaysa waxaa ka mid ah Cumar Faatax oo ah wiil dhalinyaro ah oo ku dhashay dalkan maraykanka oo u tartamaya aqalka Senate ka ee gobolka Minnesota.

Cumar Faatax wuxuu noqonaya qofkii ugu horeeyay ee carruurta Somalida ee maraykanka ku dhalatay ee u tartamaya xil ama xafiis Sharci dejin ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post