648 Views

Mike Durant oo ahaa Maxbuus lagu qabtay 1993 dagaalkii Muqdisho oo isku sharaxay Xildhibaannada Aqalka saree

Mike Durant oo ahaa Maxbuus lagu qabtay  1993 dagaalkii Muqdisho oo isku sharaxay   Xildhibaannada Aqalka  saree
____________________________________________________________________________

Sabti: September 4, 2021

Maxbuus kii dagaal ee  Mike Durant oo ka mid ahaa Ciidamadii ka soo dagaalamay Soomaaliya sanadii 1993 ayaa ka fakaraya in ay suuragal tahay  in uu isku sharaxo in uu ka mid  noqdo  Xildhibaannada Aqalka  saree e dalka Maraykanka, asagoo ka soo gali-doona dowlad Gobleedka  Alabama’s.

Mike Durant ayaa  waday diyaaradii Helikobtarkii lagu magacaabi jiray  Black Hawk oo ku qaraxday kaddib,markii lagu dhufty Qoriga RPG, taas oo keentay in uu gacanta u galo Maleeshiyadii Soomaalida  ee la dagaalamay Ciidamadii Maraykanka.

Ciidamadii uu gacanta u galay ayaa haystay muddo 11 bari ah, iyadoo markii danbana la siidaayey.

Sargaalkaan ayaa marka uu ka fariistay Shaqadii Ciidanka, noqday Xubin aad u firfircoon oo Kaalin fiican kuleh Siyaasadda dalka Maraykanka, wuxuuna si firfircoon uga qayb-qaatay Olalihii doorashadii George W. Bush 2004.

Mr, Durant ayaa Taarikhdiisa Militry ka mid tahay sheekooyinka ugu caansan dalka Maraykanka, isagoo Olelihiisa saldhig uga dhigay, doorashada Mr Mike Durant ayaa waxay dib-u soo noolayn kartaa  Muuqaaladii iyo Dhacdooyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 1993.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post