1122 Views

Jubbaland oo soo saray digniin ku socota Shacabka Kismaayo

Jubbaland oo soo saray digniin ku socota Shacabka Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 03, 2021–Taliska ciidanka Booliiska Jubbaland iyo maamulka degmada Kismaayo ayaa  Bilaabay dhaqan galinta awaamiirta lagu xakamaynayo faafitaanka cudurka Covid19.

Taliyaha ciidamada Booliiska Jubbaland Korneel Maxamed Naasir Guuleed ayaa sheegay in marnaba aysan  aqbaleyn in la fuliyo Go’aankii la xiriiray ka hortagga Cudurka Safmareenka ah ee COVID-19.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dadweynaha ay xirtaan Afxirka, sidoo kalena Gawaarida aan la ogoeyn inay raacaan dad ka badan Afar Ruux.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Taliyaha ciidamada Booliiska Jubbaland in Ciidamada Booliska ay tallaabo ka qaadi doonaan cid allaala ciddii flin weysay amarka, si, looga hortaggo fafitanka COVID-19.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post