1341 Views

Kuuriyada Waqooyi oo Mareykanka ku eedaysay inuu kicinayo colaad

Kuuriyada Waqooyi oo  Mareykanka ku eedaysay inuu kicinayo colaad
____________________________________________________________________________

Talaado: September 28, 2021

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay ku eedaysay Mareykanka inuu kicinayo colaad, iyadoo dalbatay in maamulka madaxweyne Biden inuu soo afjaro dhoollatus milateri oo ay ciidammadiisu la wadaan kuwa Kuuriyada Koonfureed.

Danjiraha Pyongyang u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa markii uu soo fuulay masraxa Golaha loo dhanyahay ee Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa, waxaa dalkiisa uu tijaabiyay gantaal kale.

Tijaabinta gantaalkan ugu dambeeyay ee Kuuriyada Waqooyi ayaa loo tuuray dhanka bariga Japan ka hor inta uusan ku dhicin badda, sida ay sheegeen milatariga Kuuriyada Koonfureed.

Saraakiisha Japan ayaa rumeysan inay dhici karto inuu ahaa gantaal nooca ballistic ah, hase yeeshee weli Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaan xaqiijin nooca uu yahay gantaalka.

Tijaabooyinka gantaallada ee Kuuriyada Waqooyi ayaa u muuqda kuwo looga dan leeyahay in lagu cadaadiyo Washington iyo Seoul maadaama xukuumadda Pyongyang loo malaynayo inay dareemayso saamaynta cunaqabatayn adag oo caalami ah.

Markii warka tijaabada gantaalka la sii daaynayay, safiirka Kuuriyada Waqooyi Kim Song ayaa khudbad ka jeedinayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wuxuu sheegay inay lama huraan tahay in la iska difaaco hanjabaadaha Mareykanka, wuxuuna ku eedeeyay Kuuriyada Koonfureed inay khiyaameysay heshiisyadii nabada ee labada kuuriya iyadoo mudnaanta koowaad siisay ayuu yiri saaxiibkeeda reer Galbeedka kana door bidday “wada noolaanshaha qaranka”.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post