1377 Views

Ammaanka magaalada Kismaayo oo sii xumaanaya

Ammaanka magaalada Kismaayo oo sii xumaanaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 19,, 2019  –Ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sii xumaanaya kadib markii labadii habeen ee la soo dhaafay kooxo bastoolado ku hubeysan ay dilal ka geysteen.

Dilkii ugu dambeeyay oo xalay dhacay ayaa bartamaha magaalada kismaayo lagu diley sarkaal ka tirsan booliska Jubbaland.

Sarkaalka ayaa waxaa lagu dilay Bar Kontorool oo uu ku sugnaa, waxaana xiliga dilka uu dhacayay socday baaritaano askar katirsan ciidamada Jubbaland ay ku sameynayeen gaadiidka isticmaala wadooyinka magaaladaasi.

Habeen hore ayaa sidoo kale xaafadda Shaqaalaha lagu diley nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan oo kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee Jubbaland.

Dhowaan ayaa qaar ka tirsan musharixiinta doorashada Jubbaland ku codsadeen in la adkeeyo ammaanka magaalada Kismaayo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment