927 Views

Banaanbax xoog leh oo goor dhawayd ka bilaawday xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan..

Banaanbax xoog leh oo goor dhawayd ka bilaawday xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan..
____________________________________________________________________________

April 18, 2021

Waxaa goor dhawayd oo caawa ah salaadii cisho kadib ka bilaawday magaalada Muqdisho Banaanbax xoog leh, waxa uuna ka  bilaawday xafadda Shiirkole ee degmada Hodan, halkaas oo uu gedan yahay Jeneraal saadaq Joon.

Wararka ayaa sheegaya in Banaanabaxa uu ka bilaawday afaafka hore ee isgoyska Balack sea, waxaana  looga soo horjeedaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Dadka dhigaya banaanabaxa oo u badan dhalinyaro ayaa waxay ku qaylinayaan erayo ay ka mid yihiin “Kaligi taliye dooni meyno, hoggaamiye kooxeed dooni meyno, sharci jebiye dooni meyno, doorasho diid dooni meyno”.

Sidoo kale Xaafadda Shiirkole waxay noqotay aag u xoreysan taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Joon oo ay isku dhaxeen Madaxweyne Farmaajo.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arintaas

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post