927 Views

Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Somalia oo Hargeysa lagu xiray

Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Somalia oo Hargeysa lagu xiray
____________________________________________________________________________

Muqisho |QOLIArbaco : December 15, 2021—Waxaa Maanta lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Somaliland Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo bilihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaaladaasi Hargeysa.

laamaha amniga Somaliland ayaan weli faah faahin sabaha loo xiray mas’uulkaas, kaas oo sfaar ahaa, in kastoo aan la faah fahain halka uu ku wajahnaa , waxaana xarigiisa kasoo baxaya warar kala duwan.

Maxamed Cumar Carte Qaalib Ra’iisul Wasaare kuxoveenkii hore ee Soomaaliya ayaa bishii October ee sanadkii 2020 waxaa cafis u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaddib markii uu iska casilay xubinnimadii Baarlamaanka, si uu u booqdo aabihii oo xilligaas ku xannuunsanaa Hargeysa oo uu markii dambe geeriyooday.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan soo saaray amar looga mamnuucayo dadka kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland inay ka qeyb galaan howlaha siyaasadeed ee Dowladda Soomaaliya, isla markaana aan la cafin doonin qofkii ka qeyb gala.

Xafiiska Qaranimo Online |Mogdishu

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post