1047 Views

Xukun lagu riday dad ku howlanaa ka ganacsiga khamriga magaalada Galkacyo

Xukun lagu riday dad ku howlanaa ka ganacsiga khamriga magaalada Galkacyo
____________________________________________________________________________

Sabti: November 6, 2021

Gudoomiyaha gobolka Mudug iyo masuuliyiin kale ayaa ka qaybgalay xukun ay maxkamadda darajada koowaad ee Mudug ay ku riday dad ka ganacsanayay maandooriyaha khamriga.

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka  Mudug ayaa sheegay in Maxkamada la horkeenay Afar ruux oo labo ka mid ah ay yihiin dumar, islamarkaan Saddex ka mid ah lagu xukumo Lix sano oo xabsi ah oo uu ka reeban yahay cafis Madaxweyne.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur, ayaa digniin udiray dadka ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha khamriga iyo xashiiska, oo fara ba,an ku haya deegaanada Puntland.

Guddoomiye Sanyare oo ka hadlayay fagaare lagu burburinayay 20 kartoon oo khamri ah, ayaa faray dhamaan laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo in ay amar buuxa uqabaan cidkasta oo lagu helo in sharciga la waafajiyo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobalka Mudug ayaa ugu baaqay shacabka inay ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro maandooriyaha iyo dadka ka ganacsada, waxaana uu sheegay in dagaalkooda iyo howlgalada gobalka loo weeciyay dhanka la-dagaalanka maandooriyaha.

Guddoomiyaha ayaa ugu danbeeyntii sheegay in maamulkiisa aysan marnaba aqbali doonin in falal amni daro oo  ku saleysan khamriga ay ka dhacaan degaanada gobolka Mudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post