831 Views

Rooble oo war-saxaafadeed soo saaray goor dhawayd warqadii ka soo baxay xalay Villa Somaliya.

Rooble oo war-saxaafadeed soo saaray goor dhawayd  warqadii ka soo baxay xalay Villa Somaliya.
____________________________________________________________________________

Talaado: September 14, 2021

Ra’iisul Wasaare  Rooble oo war-saxaafadeed soo saaraygoor dhawayd ayaa ka digay y isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax, xilli xalay uu madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Rooble uu guddi u magacaabay baaritaanka kiiska Ikraan.

Rooble ayaa faray Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida Milatariga, Booliiska Asluubta iyo nabadsugida in aysan ka jawaabin farintaas, waxa uuna uga digay tallaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada qaranka oo dhaawicina karta kalsooni shacabka Soomaaliyeed .

“Ra’iisul wasaaruhu waxa uu la socdaa in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida uu ka furan yahay gal dacwadeed ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax, kaas oo waafaqsan qodobka 34-aad ee dastuurka dalka oo qof kasta xaq u siinaya inuu dacwadii sharciga waafaqsan ka furto maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Rooble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post