1350 Views

Sawirro:-Shir Looga Hadlayo Xal U Raadinta Barakacayaasha Oo Ka Socda Muqdisho

Sawirro:-Shir Looga Hadlayo Xal U Raadinta Barakacayaasha Oo Ka Socda Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 27, 2019 –Shirka Wadajir ee Hannaanka Qaran ee Dowladdaha Hoose oo ay ka Qeyb galayaan Wasiirada Arimaha Gudaha iyo dib u heshiista Dowlad goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad galay.

Shirka waxaaa diirada lagu saarayaa dhismaha golayaasha deegaanka, Dhab u heshiisiinta iyo xal u helida dhibaatada barakacayaasha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye oo shirka ka hadlay waxuu sheegay iny ka wada hadlayaan madaxda heer  Qaran iyo heer dowld Goboleed sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha meesha ugu muhiimsa ee xal ka imaanayana ay tahay ilaa heer degmo la sameeyo qorsho isku xiran oo shirkaan ay qeyb ka tahay.

Shirka Madasha waxaa kale oo qeyb ka ah xubna ka socda hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka kuwaas oo warbixinno ka bixinaya marxalada barakacayaasha.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in la soo xiro maalinka berrita ah lagana soo saaro qorshaha saddexda bil ee soo aadan ee xasilinta, dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka iyo dhab u heshiinta heer Qaran ilaa heer gobol.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment