474 Views

Ciidamada Ammaanka mudug oo soo bandhigay Khamri iyo nin ka Ganacsanayay.

Ciidamada Ammaanka mudug oo soo bandhigay Khamri iyo nin ka Ganacsanayay.
____________________________________________________________________________


Axad: February 6, 2022

Howl-gall Qorsheysan oo ay Hogaaminayeen Ciidanka Nabad Sugidda iyo Booliska Gobolka Mudug ayaa xalay ay ka Sameeyeen Magaalada Gaalkacyo, iyadoo Howlgalkaasi ay kusoo qabteen Khamri faro badan iyo nin ka Ganacsanayay.

Ciidanka Amaanka Gaalkacyo Ayaa Bartamaha Magaalada Gaalkacyo ku soo Bandhigay Khamriga iyo Ninkii Ka Ganacsnayey, iyagoona warbaahinta u Sheegay in la marsiin Doono dadka ka ganacsada Khamriga iyo dhamaan waxyaabaha Maanka Dooriya Ciqaab u dhiganto.

Howl-gallka ay sameyeen Ciidamada ayna kusoo qabteen Khamriga iyo ninkii waday, ayeey Sidoo kale shegeen in ay ku raadjoogaan shakhsiyaad goobta howlgallka laga sameeyay ka baxsaday.

Maalmihii lasoo dhaafay Ciidamada Ammaanka Gobolka Mudug ayaa waday Howlgallo lagu baacsanayo Khamriga iyo dadka ka ganacsada, iyagoona Dhowr jeer soo bandhigay Dad ay kusoo qabteen howlgallo ay sameyee kuwaa oo iibinayay Khamrigga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post