1191 Views

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay wakiilka QM

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay wakiilka QM
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 16da Maarso, 2021Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maanta soo gaaray magaalada Muqdishu ayaa kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan.

Madaxweynaha Galmudug iyo ergeyga gaarka ah ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka.

Si gaar waxay uga wadahadleen heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farsamo ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.

Madaxweynaha Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku maqnaa safar dalka dibadisa.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post