1224 Views

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya oo sheegay in lagu heshiiyay Shirka Xili uu la hadlayay Golaha Ammaanka

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya oo  sheegay in lagu heshiiyay Shirka Xili uu la hadlayay Golaha Ammaanka
____________________________________________________________________________

May 25 2021

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa khudbad uu galabta u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in “heshiis laga gaaray” arrimaha la isku hayay ee doorashada.

Wasiirka ayaa sheegay in “mabda’ ahaan ay dhinacyada ku heshiiyeen saddexda qodob ee uu muranka ka taagnaa,” iyadoo war murtiyeedka heshiiskana la soo saari doono Khamiista soo socota.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tan iyo Sabtidii ku shirsanaa xeradii ciidanka cirka ee Afisyooni.

Heshiis ay dhinacyada gaaraan ayaa dhabaha u xaari kara in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay, kadib markii uu muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhammaaday 8-dii February.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post