1140 Views

Amiirka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad oo bartiisa twitterka ku sheegay in uu Heshiisiiyay Somaliya iyo Kenya

Amiirka  Qatar Sheekh Tamim bin Hamad oo  bartiisa twitterka ku sheegay in uu Heshiisiiyay Somaliya iyo Kenya
____________________________________________________________________________

May 6, 2021

  Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo go’naa ku dhawaad lixdii bilood ee u dambeysay.

Amiirka ayaa sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta oo go’aansaday inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii Diplomasi, waana tallaabo wanaagsan oo geesinimo leh, waxaan u rajeenayaa labada dal ee dariska ah, inay amniga iyo xasiloonidoodu waarto, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabadda” ayuu Amiir Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka.

Sidoo kale Ergeygii ay dowladda Qatar u soo dirtay Soomaaliya, Dr. Mutlaq al-Qahtani, ayaa kulamadii uu la qaatay madaxda Soomaalida kadib, waxa uu maalin ka hor tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Bogga twitter-ka ee madaxtooyada Kenya ayaa maanta la soo dhigay sawirro muujinaya in Amiirka Qatar uu booqday Kenya, uuna la kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post