789 Views

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye oo difaacay xariga jilaa Idiris Ilig Suldaanka Barakeysan

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye oo difaacay xariga jilaa Idiris Ilig Suldaanka Barakeysan
____________________________________________________________________________


Khamiis: December 9, 2021

Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa isaga oo u jawaabaya guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ku baaqay in la siidaayo jilaa Idiris Ilig (Sayidka Barakaysan), sheegay in madaxda iyo xukuumada aan riwaayad laga dhigi karin.

Buuni oo waraysi gaar ah siinayay wariye Cabdi Germany, ayaa Faysal waydiiyay bal hadii uu jeclaan lahaa in 20 ka sanno ee uu hogaaminayay xisbiga UCID riwaayad laga sameeyo.

“Faysal wuxuu ku cel celiyaa saraynta sharciga aan hirgalino, nin masuuliyiin qaranka kamid ah riwaayad ku sameeyay oo adna aad u dhigtay wax lagu qoslo, miyaad jeclaan lahayd in adiga oo 20 sanno guddoomiyaha UCID ah in riwaayad lagugu sameeyo?” ayuu yidhi Buuni.

Buuni ayaa sidookale, Faysal ku canaantay in uu ka hadlay xadhiga jilaaga xili aan wali maxkamad la horgaynin, isagoo sheegay in arrimaha eedaysanayaasha aan laga hadli karin ilaa maxkamad la horgeeyo.

“Marka danbi dhaco, eedaysane la qabto inta sharciga la horgaynayo cid ka hadli karta ma jirto, guddoomiyaha xisbiga UCID waxan usoo jeedinayaa marka eedaysane la qabto haku shaqayn wararka Suuqa, ee ku shaqee masuuliyad” ayuu yidhi Buuni.

Faysal ayaa dhawaan ku baaqay in lasii daayo jilaaga da’da yar ee Idiris Ilig, isagoo sheegay in maada iyo qosolku anay danbi ahayn.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post