885 Views

Shacab Careysan Iyo Ciidamo Boolis Ah Oo Gacanta Isu La Tegay

Shacab Careysan Iyo Ciidamo Boolis Ah Oo Gacanta Isu La Tegay
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 16, 2019 | QOL |   –Qaar kamid ah shacabka dalka Lubnaan ee maalmihii dambe ku dibadbaxayay dowladda dalkaas iyo laamaha ammaanka ee Lubnaan ayaa gacanta isu la tegay.

Dadkan ayaa dhalooyiin dab lagu shiday ku tuurayay booliska, waxaana booliska ay kaga jawaabeen suntan dadka ka ilmeysiisa iyo biyaha laga tuuro booyadaha ee dadka lagu kala eryo.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Lubnaan, Raya el-Hassan ayaa amray in la sameeyo guddi xaqiiq raadin ah oo kasoo war bixiya isku dhacii u dhaxeeyay booliska iyo shacabka ee dhacay sabtidii lasoo dhaafay, waxaana isku dhacaas ku dhaawacmay dad badan.

 

Dadkan ayaa ka careysan sida loo maareeyo dhaqaalaha dalka Lubnaan, waxaana xisbiga talada haya ee dalkaas ay ku eedeyeen dhaqaale xumida ka jirta Lubnaan.

 

Isku dhacyadan ayaa ah kuwii ugu xumaa ee dhaca tan iyo markii ay dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda ay ka bilawdeen Lubnaan sanadkan, waxaana carada dadka ay horseeday in uu iscasilo ra’iisul wasaarha dalka Lubnaan, Sacad Al Xariir, hasayeeshee wadahadalo la doonayay in lagu soo dhiso dowlad cusub ayaa guuldareystay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment