870 Views

C/raxmaan Cabdishakuur oo sheegay in aysan dooneyn la kulanka Farmaajo

C/raxmaan Cabdishakuur oo sheegay in aysan dooneyn la kulanka Farmaajo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 18 2021–Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana mid ah Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in xilligaan aysan u baahneyn la kulanka Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu ku sheegay in Farmaajo uu soo xiray Albaabadii wada-hadalka, isla markaana uu noqdah hoggaamiye Kooxeed sidola uu hadalka u dhigay.

“Farmaajo isagaa irdaha u soo xiray wadahadaladii doorashooyinka, ka dibna hoggaamiye kooxeed noqday. Ma jirto cid xiisa u qabta la kulankiisa. Waxaase is waydiinta mudan Dawlad Goboleedyada qaarkood bulshadii rayidka iyo waxgaradkii ayey la tashadeen, ka dibna golayaashii Wasiirada iyo Baarlamaanka ayaa go’aan ku diiday muddo kororsiga ayuu yiri  Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxaa uu isweeydiiyay cidda ay lantashadeen dawlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed markii ay go’aanka muddo kororsiga Farmaajo ku taageereen.

Warkaan kasoo yeeray Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay kula Midowga Musharixiinta ay la yeesheen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabeelle oo Ergo ahaa ay diideen inay la kulmaan Farmaajo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post