249 Views

Madaxweynaha Puntland oo ka qeyb galay shir ay iskugu yimaadeen saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Puntland oo ka qeyb galay   shir ay iskugu yimaadeen saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 18, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirweyne ay Beesha Caalamka iyo Puntland isugu yimaadeen, Kaasi oo ay kasoo qeybgaleen wafdi ka socda saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, ayna qeyb ka yihiin Safiirada Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Midowga Africa, Midowga Europe, Norway iyo IGAD.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddiga dardargelinta Doorashooyinka Puntland ee heer Wasiir, Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Waxaa kulankan ujeedkiisu ahaa oo looga hadlay Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee dhowaan ka dhacaya degmooyinka Puntland.

Guddiga Doorashooyinka Puntland TPEC ayaa Shirka la wadaagay meesha wax u marayaan iyo farsamo ahaan in ay diyaar u tahay qabashada Doorashada Goleyaasha deegaanka, Xukuumaduna waxaa ay soo bandhigtay tallaabooyinkii dardargelinta ah ee ay qaaday iyo in ay ka go’antahay in ay dhacdo Doorasho Gole deegaan oo ku dhacda Jawi ku xasiloon, loo dhanyahay Laguna tartami karo.

Dhinacooda wakiillada Beesha Caalamka waxay muujiyeen in ay ka go’antahay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay la garab taagan yihiin hirgelinta nidaamka Doorasho ee Goleyaasha deegaanka ee Puntland.

Waxaa la isla qaatay Doorashada Goleyaasha deegaanka ee Puntland in ay muhim u tahay, Daadejinta awooda iyo kheyraadka iyo hirgelinta nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya, hadii ay Puntland ku guuleysatona waxay noqon karta wax Soomaaliya laga hirgelin karo. 

Sidoo kale Xukuumadda Puntland iyo Beesha Caalamka ayaa wada yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Puntland, sida Amniga, Abaaraha, Dowlad wanaaga iyo Mashaariicda horumarin.

.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post